Real Madrid oo iska diiday saxiixa Willian

(Madrid) 22 Agoosto 2018 Real Madrid ayaa la ogaaday inay si fudud isaga diiday saxiixa laacibka kooxda Chelsea iyo xulka Brazil ee Willian.

Idaacada Onda Cero ayaa baahisay in Real Madrid loo soo bandhigay saxiixa Willian suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Laakiin maamulka Real Madrid ayaa gabi ahaanba iska diiday inay la wareegaan Willian kaas oo Barcelona ay dhawr jeer isku dayday saxiixiisa suuqa xaggaagan.

Tababare Sarri ayaa si wayn ugu qanacsan qaab ciyaareedka Willian, wuxuuna ku qanciyay dhankiisa inuu sii joogo Chelsea.

Laacibka ayaa ku soo bilowday labadii kulan ee ugu horeeyay Premier League ee xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close