Maxaa ka jira in Real Madrid ay isku dayday saxiixa Mohamed Salah suuqa xaggaagan?

(Madrid) 22 Agoosto 2018 Real Madrid ayaa si wayn loola xiriiriyay inay u dhaqaaqayso soo xerogalinta weerar yahanka Liverpool ee Mohamed Salah.

Wargayska El País ee dalka Spain ayaa daaha ka qaaday in Real Madrid ay si dhab ah ugu dhaqaaqday soo xerogalinta Mohamed Salah iyo Harry Kane kadib markii uu ka tagay Cristiano Ronaldo.

Laakiin Mohamed Salah ayaa iska dhago tiray xiriirka kooxda Real Madrid oo dhamaadka xiliciyaareedkii hore ka qaaday koobka horyaalada yurub.

Taas badalkeeda Salah ayaa niyad jabiyay Real Madrid, wuxuuna heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxdiisa Liverpool.

Dhanka kale, Tottenham ayaa diiday inay wadahadal la furto Real Madrid kaas oo ku aadan saxiixa Harry Kane.

Dooqa kaliya ee Real Madrid ay haatan u haysato inay ka dhigto badalka Ronaldo ayaa ah kubadd abuuraha Chelsea ee Eden Hazard.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close