Manchester City oo u dhaqaaqaysa saxiixa goolhaye Jasper Cillessen

(Manchester) 22 Agoosto 2018 Kadib dhaawicii soo gaaray goolhaye Bravo, Manchester City waxaa soo wajahay walwal daran maadaama goolhaye Ederson uu kali ku yahay waardiyeeynta goolka kooxda.

The Sun ayaa daaha ka qaaday in Manchester City ay u dhaqaaqayso goolhayaha aan booska joogtada ah ka haysan kooxda Barcelona ee Jasper Cillessen.

Image result for Jasper Cillessen City

29 jirkaan reer Holland ayaa qorshaynaya inuu ka tago Barcelona maalmaha yar ee ka harsan suuqa kala iibsiga, laakiin lama oga sida City ay ku heli karto maadaama uu xiran yahay suuqa kooxaha ingiriiska.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Jasper Cillessen uu ku jiro qorshaha tababare Pep Guardiola ee suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close