Kaka oo daaha ka qaaday magaca laacibka u qalma ku guulaysiga Ballon d’Or sanadkaan (Ronaldo iyo Messi oo …..)!

(Madrid) 22 Agoosto 2018 Halyeeyga reer Brazil ee Kaka ayaa daaha ka qaaday magaca laacibka u qalma sanadkaan ku guulaysiga xiddiga adduunka.

Kaka ayaan soo hadal qaadin Lionel Messi iyo waliba Cristiano Ronaldo, waana 10-sano kadib markii ugu horaysay ee labada laacib laga saaro saadaasha abaal marintaan.

Kaka ayaa sheegay in sanadkaan uu u qalmo ku guulaysiga Ballon d’Or Kylian Mbappe, wuxuuna intaa ku sii daray haddii uu ku guulaysan waayo inay lagama maarmaan tahay in la siiyo Luka Modric.

“Waxaan saadaalinayaa in Kylian Mbappe uu ku guulaysan doono Ballon d’Or sanadkaan, laakiin haddii uu jiro magac kale oo aan dooranayo waa Luka Modric” ayuu yiri Kaka.

“Modric wuxuu gaaray natiijooyin wax ku ool ah sida ku guulaysiga Champions League iyo gaarida Final-ka koobka adduunka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close