Kadib heshiiskii uu la gaaray Barcelona, Adrien Rabiot oo markale niyad jabiyay PSG

(Paris) 22 Agoosto 2018 Adrien Rabiot ayaa markale niyad jabiyay kooxdiisa PSG oo soo hordhigtay dalab cusub oo uu ku saxiixayo heshiis cusub.

Qandaraaska Adrien Rabiot ee PSG ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, wuxuuna heshiis afka ah la gaaray kooxda Barcelona.

PSG ayaa soo hordhigtay Adrien Rabiot heshiis cusub oo uu ku qaadanayo sanadkii lacag dhan 7 milyan oo euro sida ay baahisay Mundo Deportivo.

Laakiin laacibka ayaa diiday inuu saxiixo heshiiska cusub maadaama uu doonayo inuu ka tago PSG inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Sababta Adrien Rabiot uu ugu ordayo Barcelona ayaa ah in kooxda reer Spain uu kula heshiiyay mushaar dhan 10 milyan oo euro sanadkii.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close