Fabio Coentrao oo la baadi goobayo jaan iyo cirib meel uu dhigay

(Madrid) 22 Agoosto 2018 Wargayska AS ayaa maanta baafiyay laacibkii amaahda uga maqnaa kooxda Real Madrid ee Fabio Coentrao.

Warbixin lagu daabacay AS ayaa lagu sheegay in aan la ogayn meel uu jiro Fabio Coentrao tan iyo bishii May markaas oo uu dhamaystay heshiis amaah ah oo uu kula joogay kooxda Sporting Lisbon.

Image result for Fabio Coentrao

Tan iyo 20-kii May ee sanadkaan Fabio Coentrao kama soo muuqan garoomada mana uusan soo dhigin wax sawir ah baraha bulshada muddo haatan laga joogo 62-maalin.

Fabio Coentrao wax tababar ah lama qaadan kooxdiisa Real Madrid xiliciyaareedkaan cusub, hal sano ayaana uga harsan heshiiskiisa kooxda.

Xitaa dalka Portugal lagama haayo war ku saabsan Fabio Coentrao, laakiin dad isaga u dhaw oo la waraystay ayaa sheegay inuu qaadanayay tababar gaar ah maalmihii u danbeeyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close