Barcelona oo ku dhawaaqday inuu dhaawacmay goolhaye Jasper Cillessen

(Barcelona) 22 Agoosto 2018 Barcelona ayaa si rasmi ah u shaacisay inuu dhaawac soo gaaray goolhayaheeda reer Holland ee Jasper Cillessen.

Kooxda ayaa sheegtay in Jasper Cillessen uu ku dhaawacmay tababarkii saaka kaas oo kooxdu ay ugu diyaar garoobaysay kulanka sabtiga ee Valladolid.

Bayaan ay soo saartay Barcelona ayaa lagu sheegay inuu dhaawacmay goolhaye Jasper Cillessen laakiin kooxdu ma shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu ka maqnaanayo garoomada.

Dhaawacaan cusub ayaa hor istaagaya rabitaankii goolhaye Jasper Cillessen ee ahaa inuu ka tago Barcelona maalmaha yar ee ka harsan suuqa kala iibsiga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close