Alphonse Areola oo iska diiday dalabyo badan si uu ula tartamo Buffon

(Paris) 22 Agoosto 2018 Goolhayaha kooxda PSG ee Alphonse Areola ayaa iska diiday dalabyo uga yimid horyaalka talyaaniga.

Telefoot ayaa baahiyay in Alphonse Areola uu iska diiday dalabyo uga yimid kooxaha Roma iyo Napoli si uu ula tartamo goolhaye Buffon.

Qandaraaska 25 jirkaan reer France ee PSG ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, wuxuuna doonayaa inuu wadahadal la furo maamulka kooxdiisa si uu ugu kordhiyo heshiiska.

Alphonse Areola ayaa la filayaa inuu qalinka ugu duugo PSG heshiis gaaraya ilaa 2023 dhamaadka bishaan August.

Buffon ayaa ah dooqa koowaad ee PSG, laakiin Alphonse Areola ayaa fursadiisa helaya kulamada ugu horeeya Champions League maadaama Buffon oo ganaaxan yahay kadib falkii uu kula kacay garsooraha kulankii Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close