Roberto Firmino oo ka jawaab celiyay wararka ku aadan inuu yabooh kaga yimid kooxda Barcelona

(Liverpool) 20 Agoosto 2018. Roberto Firmino ayaa iska diiday inuu doonayo ka dhaqaaqista kooxda Liverpool, kadib markii ay soo baxeen warar ku aadan in adeegiisa ay xiiseeneyso kooxda Barcelona.

Wargeyska “Calcio Mercato” ayaa wuxuu sheegay in laacibka reer Brazil ee Roberto Firmino uu ku qanacsan yahay joogi taankiisa kooxda Liverpool.

“Marka ay dadka ku weydiinayaan hamigeyga ku aadan xirfadaada kubada cagta, waxaan u sheegaa inaan ku noolahay waqtiga xaadirka ah”.

“Kuma fikirayo waxaan ka ahayn Liverpool, waxaan doonayaa inaan kula guuleysto wax walba ee aan awoodo, waxaan halkan ku heysanaa jamaahiirta ugu fiican caalamka, waa wax aan la rumeysan karin”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close