RASMI: UEFA oo shaacisay saddexda xidig ku tartameysa abaalmarinta xidiga ugu wanaagsan Yurub

(Yurub) 20 Agoosto 2018. Xiriirka kubada cagta ee qaarada yurun ee UEFA ayaa shaaca ka qaaday musharaxiinta ugu dambeysa ee ku tartami doonta abaal marinta xidiga sanadka ee Yurub xilli ciyaareedka 2017-2018.

Sida laga soo xigtay barta rasmiga Twitter-ka ee UEFA xidigaha Mohamed Salah, Cristiano Ronaldo Iyo Luka Modric ayaa ku dagaalami doona abaal marinta laacibka sanadka ee Yurub.

UEFA ayaa ku dhawaaqi doonta guuleystaha abaal marintan, xiliga la sameyn doono isku aadka tartanka UEFA Champions League 30-ka bishan August.

Xidigaha Cristiano Ronaldo Iyo Luka Modric ayaa ah kuwa ugu cad cad ee ku guuleysan kara abaal marintan, marka loo fiiriyo inay kusoo guuleesteen tartanka Champions League xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close