Kooxda Juventus oo heshiis hordhac ah la gaartay xidigeeda khadka dhexe Miralem Pjanic

(Juventus) 20 Agoosto 2018. Juventus ayaa heshiis la gaartay ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Bosnia Miralem Pjanić si uu ugu cusbooneysiiyo qandaraaska, Sky Sport Italia ayaa sidaasi xaqiijisay.

Miralem Pjanić ayaa lala xiriirinayay saxiixiisa kooxo dhowr ah ee qaarada Yurub, sida Barcelona, Real Madrid iyo Manchester City, laakiin Juventus ayaa diiday inay iska iibiso.

Kulanka dhexmaray maamulka Juventus iyo wakiilka Miralem Pjanić maalinta Isniinta ee lasoo dhaafay ayaa kusoo idlaaday in labada dhinac ay wada gaareen heshiis hordhac ah uu ku kordhinayo qandaraaska.

Sida laga soo xigtay ilo kale, Juventus ayaa ka dhaadhicisay Miralem Pjanić in uu sii joogo kooxda, si uu u saxiixo heshiis cusub isla markaana sare loogu qaado mushaarkiisa.

Waxaala filayaa in heshiiska cusub ee laacibkan uu gaari doono ilaa iyo sanada 2023, isla markaana sare loogu qaadi doono mushaarka sanadlaha uu haatan kooxda ka qaato.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close