Dani Carvajal oo ka warbixiyay tartanka ay Real Madrid dooneyso inay diirada saarto xili ciyaareedka cusub

(Real Madrid) 20 Agoosto 2018. Dani Carvajal ayaa sheegay in Real Madrid xili ciyaareedkan ay dooneyso ku guuleysiga horyaalka La Liga, kadib markii ay xili ciyaareedkooda cusub kaga daah furteen kooxda Getafe.

Real Madrid ayaa guul muhiim ah kaga gaartay Getafe 2-0, kulankoodii ugu horeeyay horyaalka La Liga ee dalka Spai xili ciyaareedka cusub, wuxuuna Carvajal durbaba sheegay in bar-tilmaameedka koowaad ay ka dhiganayaan ku guuleysiga horyaalka Spain.

“Waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano horyaalka La Liga, waa inaan qabanaa shaqo adag”.

“Xili ciyaareedkii lasoo dhaafay waxaan iska luminay dhibco badan ee dhanka La Liga ah”.

si kastaba Dani Carvajal ayaa daah furay goolka koowaad ee kooxda Real Madrid ay ka dhalisay kooxda Getafe  kulankii xalay, galka goolka kale uu raacsaday Bale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close