Unai Emery oo ka codsaday taageerayaasha kooxda Arsenal inay muujiyaan daganaan

(Arsenal) 19 Agoosto 2018. Macalinka reer Spain Unai Emery ayaa ka codsaday taageerayaasha kooxda Arsenal inay daganaan muujiyaan, kadib guuldaradii 3-2 ahayd ee kasoo gaartay dhigooda Chelsea.

Waa guuldaradii labaad ee xiriir ah ee soo gaartay kooxda Gunners xili ciyaareedka cusub, kadib markii ay sidoo kale kulankii daah furka xili ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League ay guuldaro kala kulmeen Man City.

Unai Emery ayaa kadib kulankii London derby kasoo hor muuqday saxaafada wuxuuna jamaahiirta ugu baaqay inay muujiyaan daganaan.

“Waxaan guuldareesanay laba kulan xiriir ah, waxaan u maleynayaa inaan u baahanahay inaan is dejino, isla markaana aan sii wadano shaqadeena”.

“Waan ogahay in loo baahan yahay inaan hormar ku sameyno waxyaabo badan, waxaan ku dhiiri gelin doonaa ciyaartoydeena inay la shaqeeyaan fikradaha aan dooneyno”.

“Waxaan sameenay fursado badan oo aan gool ku dhalin karnay, lagayaabee in natiijada ay noqon lahayd barbaro 2-2, laakiin qeybtii labaad ee ciyaarta waxaa nagu yimid hoos u dhac, waxaana naga dhashay gool, sidaas ayay ku dhamaatay ciyaarta isla markaana ay Chelsea guul ku gaartay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close