“Sergio Aguero wuxuu ku gudi jiraa waqtigiisii ugu fiicnaa”… Guardiola oo fariin u diray kooxaha Premier League

(Manchester) 19 Agoosto 2018. Pep Guardiola ayaa ku amaanay weeraryahanka kooxdiisa Manchester City Sergio Aguero seddexleeydii uu ka dhaliyay kulankii dhawaa ee Huddersfield Town ee horyaalka Premier League.

Manchester City ayaa guul raaxa leh kaga gaartay dhigeeda Huddersfield Town 6-1 kulankeeda labaad horyaalka Premier League ee xili ciyaareedka cusub, xili uu Aguero kulankan xareeyay saddexley.

“Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, Huddersfield Town waxay ciyaareen 5 ciyaaryahan ee gadaal ah, sidaas darteed waxaan maanta go’aansanay inaan ciyaarno laba weerar”.

“Dhamaan ciyaartoyda waxay bixiyeen qaab ciyaareed wanaagsan, xili ciyaareedkii hore ma aanan awoodin inaan sidan oo kale u weerar tano, sababtoo ah ma aanan heysanin Benjamin Mendy”.

“Benjamin Mendy waa ciyaaryahan aad u wanaagsan wuxuu isku xiraa difaaca iyo weerarka, marka aan heysano Mendy waxaan u weerar tami karnaa sidan oo kale”.

“Aguero marnaba kuma arkin qaab ciyaareedkan oo kale tan iyo markii aan halkan imid, wuxuu ku jiraa xaalad cajiib ah, marka uu kubada heysto iyo marka uusan heysan”.

“Waxaan ku fikiray inaan badalo kahor inta uusan dhalinin saddexleyda, laakiin ugu dambeyntii wuxuu ahaa mid fiican, wuxuu dhaliyay gool, wuxuuna dareen fiican ka helay jamaahiirta”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close