Mourinho oo niyad jab weyn ka muujiyay qaladaadka ciyaartoydiisa kadib guuldaradii kasoo gaartay Brighton

(Manchester)  19 Agoosto 2018. Jose Mourinho ayaa niyad jab weyn ka muujiyay ka dib markii ay kooxdiisa Manchester United guuldaro 3-2 ah kala kulantay Brighton & Hove Albio kulankoodii labaad horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan.

Macalinka reer Portugal ayaa kadib guuldarada niyad jabka lahayd ee kasoo gaadhay kooxda Brighton & Hove Albio wuxuu la hadlay saxaafada wuxuuna sheegay in kooxdiisa ay sameesay qaladaad badan.

“Waxaan sameynay qaladaad badan, waana nalagu ciqaabay dhamaantayada”.

“Kooxdu waxay isku dayeen inay ka soo laabtaan natiijada qeybtii labaad, laakiin Brighton ayaa ahayd mid aad u wanaagsan, waana natiijada ka dhalatay qaladaadkii aan sameenay”.

“Kadib markii aan dhalinay gool, waxaan moodayay in qeybta labaad ee ciyaarta aan kusoo gali doono niyad aad u xoogan, laakiin goolka seddexaad ayaa aad noo niyad jabiyay”.

“Goolka labaad ee aan dhalinay wuxuu yimid waqti dambe, garsooraha ayaana ku deg degay in ciyaarta uu durba dhameeyo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close