Manchester City oo dalab qaali ah ee gaarsiisan £ 60 million u diyaarineysa saxiixa laacib cusub

(Manchester) 19 Agoosto 2018. Manchester City ayaa aad u xiiseyneysa xiddiga kooxda Wolverhampton Ruben Neves si ay ugu xoojistaan khadka dhexe.

Kooxda reer England ee Sky Blues ayaa raacdo ugu jirta saxiixa laacib cusub ay ku xoojisato khadkeeda dhexe, kadib markii ay ku guuldareesteen saxiixa xidiga ay bar-tilmaameedka ka dhiganayeen ee Jorginho.

Saraakiisha Manchester City ayaa waxay u diyaarinayaan saxiixa Ruben Neves aduun dhan £ 60 million, si ay ugu qanciyaan heshiiskan kooxda Wolverhampton.

Macalinka reer Spain ee Pep Guardiola ayaa aaminsan inuu u baahan yahay xidig si wanaagsan kaga ciyaari kara khadka dhexe, waxaana uu durbadiiba indhaha ku taagay 21 jirkan.

Pep Guardiola ayaa dhinaca kale u arka in laacibka kooxda Wolverhampton ee Ruben Neves uu heysto tayada uu kaga mid noqon karo kooxda difaacaneysa sanadkan horyaalka Premier League ee Man City.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close