Difaaca kooxda Atletico Madrid Filipe Luís oo xiiseenaya inuu u dhaqaaqo Paris Saint-Germain

(Atletico) 19 Agoosto 2018. Xidiga reer Brazil Filipe Luís ayaa weydiistay Atletico Madrid inay u ogolaadaan inuu ka tago kooxda inta lagu jiro suuqan xagaaga, si uu ugu dhaqaaqo Paris Saint-Germain.

32 jirkan ayaa yimid kooxda Atletico Madrid sanadii 2010, wuxuuna kaga soo biiray Deportivo La Coruna, balse wuxuu ka dhaqaaqay 2014 si uu ugu biiro naadiga reer London ee Chelsea.

Laakiin hal xili ciyaareed kadib uu ku qaatay garoonka Stamford Bridge ayuu Filipe Luís markale dib ugu soo laabtay kooxdiisa reer Spain ee Atletico Madrid.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Filipe Luís uu ka codsaday maamulka kooxda inay u ogolaadaan inuu u dhaqaaqo kooxda PSG.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in macalinka Atletico Madrid Diego Simeone uusan wax dood ah ka qabi doonin hadii uu baxo Filipe Luís, maadaama ay kooxda ku sugan yihiin xidigaha Arias iyo Lucas Hernandez.

Si kastaba Filipe Luís ayaa wuxuu dalab heshiis saddex sano ah kaga yimid kooxda Paris Saint-Germain, kaasoo gaaraya ilaa iyo 2022, waxaana la filayaa in heshiiska uu dhameystirmo kahor inta uusan xirmin suuqan xagaaga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close