Canuga uu Silva kor u hayo waa wiilkii uu dartiisa……..+SAWIRRO

(Manchester) 19 Agoosto 2018. Manchester City ayaa Nus darsin goolal ah ku xaaqday kooxda Huddersfield Ciyaartii ay dhawaan ku yeesheen Etihad Stadium.

David Silva ayaa garoonka la soo galay dhallaan yar oo uu dhabta ku hayo taa oo ay dad badan is waydiinayeen waxa uu ahaa.

Wiilka yar ayaa ahaa canug Dhicisnimo ugu dhashay bishii December kaa oo uu dartiisa kulamo badan u seegay maadaama uu xaalad adag ku jiray.

Bishii May ayaa laga soo saaray Isbitalka iyadoo uu xitaa Silva Madaxa u xiirtay dartiisa si uu u muujiyo sida uu ula dhibtoonayo dhallaankiisa.

Laakiin ugu dambeyn wiilka Silva ee loo bixiyay Mateo ayaa iminka caafimaad laga dareemayaa.

Laacibka reer Spain ayaa dhaliyay Free Kick cajiib ah wuxuuna dhunkaday Gacantiisa oo uu ugu sawirnaa wiilkiisa yar.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close