Aguero oo Rikoodh Cajiib ka dhigay Premier League kaddib SADDEXLEYDII uu ka xareeyay Huddersfield Town

(Manchester) 19 Agoosto 2018.Wargeysyada caalamka gaar ahaa kuwa ku taqasusay rikoorada iyo tiri koobyada ayaa waxay shaaca ka qaadeen in Sergio Aguero uu ka sameeyay rikoodh cajiib ah horyaalka Premier League.

Sergio Aguero ayaa kulankii dhawaa ay xasuuqa u geysteen kooxda Huddersfield Town, wuxuu ka dhalyay goolasha loo yaqaano saddexleyda.

Laacibka reer Argantina ayaa kadib saddexleyda uu ka dhaliyay kooxda Hedyrsfield, waxay ka caawisay inuu dhaafo rikoodhka gool dhalineed ee weeraryahankii hore kooxda Manchester Uited Robin van Persie,

Sergio Aguero ayaa ku noqday kulanka Hedyrsfield laacibka labaad ee ugu gooldhalinta badan horyaalka Premier League.

Aguero ayaa ku dhaafay 145 gool rikoodhka gooldhalineed ee weeraryahankii hore kooxda Arsenal iyo Manchester Uited Robin van Persie kaasoo Premier League kasoo dhaliyay 144 gool.

Sergio Aguero ayaa noqday ciyaaryahanka labaad ee ugu gooldhalinta badan horyaalka Premier League, ka dib halyayga kooxda Arsenal Thierry Henry kaasoo Premier League isna kasoo dhaliyay 175 gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close