Tababaraha Bayern Munich Niko Kovac oo sheegay inuu ku faraxsan yahay la shaqeynta Robben iyo Ribéry

(Bayern) 18 Agoosto 2018. Tababaraha kooxda Bayern Munich Niko Kovač ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay la shaqeynta xidigaha Arjen Robben iyo Franck Ribéry xiligan la joogo.

“Waxaan maqlay in badan magaca Arjen Robben, balse wuxuu ka sii fiican yahay sida hore aan ka filayay, waxa uu sameynayo maalin kasta waa cajiib”.

“Ma ahan kaliya inuu heysto tayo dabiici ah, laakiin wuxuu sidoo kale heystaa tayo iyo dareen xoog leh uu ku shaqeyn karo”.

“Franck Ribéry sidoo kale waa laacibka labaad ee si weyn aan ula yaabay, weli waa ciyaaryahan heer caalami ah, wuxuuna leeyahay maskax weyn ee guuleed”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close