Real Madrid oo niyad jabinaysa tababare Julen Lopetegui (Maxaa dhacay?)

(Madrid) 18 Agoosto 2018 Maamulka Real Madrid ayaa u muuqda mid niyad jab u horseedaya tababarehooda cusub ee Julen Lopetegui.

Marca ayaa baahisay in tababare Julen Lopetegui uu sugayay in kooxdu ay samaynayso saxiixyo xoogan suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Kooxda ayaa horay ugu sheegtay tababare Julen Lopetegui inaysan samayn doonin saxiixyo cusub maadaama ay waysay inta badan xiddigihii diirada u saarnaa.

Kadib guul daradii Real Madrid ka soo gaartay Super Cup-ka yurub ayaa keentay in tababare Julen Lopetegui uu hordhigo maamulka kooxdiisa saxiixyada weerar yahan, daafac dhexe iyo waliba laacib qadka dhexe ah.

Waxaana loo badinayaa in maamulka Real Madrid ay markale niyad jabin doonaan tababare Julen Lopetegui isla markaana loo sheegi doono inaysan jiri doonin saxiixyo cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close