Claudio Marchisio oo isku soo bandhigay PSG si ay ula wareegto

(Paris) 18 Agoosto 2018 Xiddigii ka tagay kooxda Juventus ee Claudio Marchisio ayaa isku soo bandhigay kooxda reer France ee PSG.

La Gazzetta dello Sport ayaa baahiyay in Claudio Marchisio uu isku soo bandhigay kooxda PSG kadib markii uu dhawaan ka tagay Juventus.

Laacibka ayaa burburiyay heshiiskii uu kula jiray Juventus si uu u raadsado koox uu ka heli karo boos joogto ah suuqa xaggaagan.

Image result for marchisio psg

Wuxuu dalabyo badan ka helayaa Maraykanka iyo Shiinaha, laakiin ma doonayo inuu ka dhex baxo qaarada yurub.

Wargayska ayaa sheegay in 32 jirkaan uu si wayn u doonayo inuu xirto funaanada kooxda PSG si uu ula midoobo saaxiibkiis Buffon.

Claudio Marchisio ayaa isku arka inuu noqon karo badalka Thiago Motta oo ka fariistay kubadda cagta xiliciyaareedkii hore.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close