Valverde oo daboolka ka qaaday waxa uu bar-tilmaameedka koowaad ka dhigan doono xili ciyaareedka cusub

(Barcelona) 17 Agoosto 2018. Tababaraha kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa xaqiijiyay in Champions League uusan ka dhigan doonin bar-tilmaameedka koowaad xili ciyaareedka cusub ee 2018/2019.

Ernesto Valverde ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in muhiimadiisa koowaad ee xili ciyaareedkan ay tahay sida ay ugu horeyn ku difaacan lahaayeen koobka horyaalka La Liga.

Macalinka reer Spain ayaa wuxuu sidoo kale tilmaamay in wali kooxdiisa Barcelona ay sameyn doonto saxiixyo cusub, maalmaha soo aadan ee ka harsan suuqan xagaaga.

Hadalka Valverde yaa wuxuu imanayaa xili ay isku diyaarinayaan kulanka Deportivo Alves ay habeen dambe kaga daah furan doonaan horyaalka La Liga xili ciyaareedka cusub.

“Wax walba waxaan ka dhigan doonaa ujeedka koowaad, waxaana u dagaalami doonaa sida aan ku noqon lahayn guuleystayaal, sidaasi darteed Barcelona mar walba waa isku mid ah”.

“Laakiin sida aan ugu xamaasadeesanahay inaan ugu guuleysano Champions League, waa in sidoo kale aan ugu xamaasadeesnaanaa ku guuleysiga horyaalka Spain, si aan u difaacano”.

“Waxaan heysanaa koox fiican, oo ka hor tagi karta, waxyaabaha soo aadan, laakiin waxaa wali jira waqti kahor inta uusan soo xirmin suuqa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close