Maurizio Sarri oo shaaca ka qaaday in mid ka mid ah xidigahiisa muhiimka ah uu seegi doono kulanka Arsenal

(Chelsea) 17 Agoosto 2018. Tababaraha kooxda Chelsea Maurizio Sarri ayaa xaqiijiyay inuu seegi doono mid ka mid ah xidigihiisa kulanka bari ay ku wajihi doonaan horyaalka Premier League kooxda ay ka wada dhisan yihiin magaalada London ee Arsenal.

Maurizio Sarri ayaa wuxuu kasoo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka London derby, wuxuuna sheegay in Cesc Fàbregas uu ku seegi doono kulankan sababa la xiriira dhaawac.

“Cesc Fàbregas wuxuu ka maqnaan doono kulanka Arsenal sababa la xiriira dhaawac, dhaawaca ma ahan mid daran, lakiin waxaa jira xanuun daran ee dhanka jilibka ah”.

“Unai Emery waa macalin aad u wanaagsan, wuxuu kusoo guuleestay saddex jeer koobka UEFA Europa League, sidoo kale wuxuu guul ku gaaray dalka France”.

“Arsenal waxay si xoogan ugu dagaalami doontaa boosaska loogu soo gudbo Champions League xili ciyaareedka soo aadan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close