Kaddib 10-maalmood oo wada hadalo ah Eden Hazard oo ugu dambeyn la xaqiijiyay…..

(London) 17 Agoosto 2018. Tababaraha Cusub ee Chelsea Maurizio Sarri ayaa ugu dambeyn xaqiijiyay in Eden Hazard uu la sii joogi doono kooxda kaddib wada hadalo uu la yeeshay laacibka reer Belgium 10 kii maalmood ee la soo dhaafay.

Intii lagu guda jiray fasaxa xagaaga iyo wixii ka horreeyayba waxaa Hazard si joogta ah lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqi doono kooxda Real Madrid. Haba ugu sii darnaatee markii uu Ronaldo ka tagay Bernabeu oo uu u boqoolay kooxda Juventus.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Spain ayaa sii furnaan doona inta ka harsan bisha, laakiin Sarri ayaa daaha ka rogay in kabtanka xulka Belgium uusan meelna kooxda kaga socon isla markaana uu joogi doono xilli ciyaareedka cusub.

“Isaga ayaan la hadlay tobankii maalmood ee la soo dhaafay, ” Sarri ayaa sida yiri ka hor kulanka berito ee Arsenal.

“Marna iguma oran wax ku saabsan Real Madrid haba yaraatee, sidaa darteed waan hubaa inuu Hazard nala sii joogi doono xilli ciyaareedkan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close