Unai Emery oo ka warbixiyay goolhaayaha uu kusoo bilaaban doono kulanka London derby ee kooxda Chelsea

(Arsenal) 16 Agoosto 2018. Macalinka Isbaanishka ah ee kooxda Arsenal Unai Emery ayaa wuxuu shaaca ka qaaday goolhaayaha uu kuu soo bilaaban doono kulanka London derby ee kooxda Chelsea.

Unai Emery ayaa wuxuu ka warbixiyay kahor kulanka horyaalka Premier League ay isbuuca soo aadan kula ciyaari doonaan kooxda Chelsea inuu si weyn ugu kalsoon yahay adeega Petr Čech.

“Aad ayaan ugu kalsoonahay adeega Petr Cech, wuxuuna kusoo bilaaban doonaa kulanka soo aadan ee Chelsea, hadii uu ciyaarta si xun u ciyaaro xitaa waan sii wadayaa inaan ku kalsoonaado awoodiisa”.

“Waxaan kalsooni ku qabaa dhamaan ciyaartoyda, uu qeyb ka yahay Petr Cech, waa inaan iska iloobaa guuldaradii Manchester City, waxaana dooneynaa inaan horumar weyn samayno inta lagu jiro kulamada soo socda”.

“Waa suuragal inaan dhibtoono, laakiin waa inaan dadaalnaa oo aan shaqo adag qabanaa, si aan u gaarno heerka aan dooneyno iyo waxa aan rabno”.

“Waxaan la ciyaari doonaa koox adag, heysatana awood dhameystiran, waxaan ku soo ciyaari doonaa meel ka baxsan garoonkeena, waa inaan noqonaa koox dagaalami karta”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close