Garsoorayaal Soomaaliyeed oo dhex-dhexaadin doona kullan ka tirsan CAF Confederation Cup

(Muqdisho) 16 Agoosto 2018. –Garsoorayaal Soomaaliyeed ayaa ka amba baxay garoonka Aadan Cadde iyagoo kusii jeeda Jamhuuriyada Dimuqaraadiga Congo si ay u dhex dhexaadiyaan kullan ka tirsan CAF Confederation Cup

Soomaaliya ayaa si weyn loogu amaanaa doorka garsoorka iyagoo markaste kullamada kusoo dhex dhexaadiya si guul ay ku dheehan tahay.

Garsoorayaasha Soomaaliyeed ayaa dhex dhexaadin doono kullan ay isaga hor imaanayaan Vita Club iyo Raja Casablanca  oo ka kala dhisan wadamada Congo iyo Marocco.

Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Bari) ayaa noqondoona garsooraha dhexe ee ciyaarta halka calanwalaha 1-aad uu yaha  Xamza Xaaji, calan-sidaha  2-aadne waa Mahad Gentelman, halka sarkaalka 4’aad uu yahay Cumar Cartan.

Kullankii koowaad ee labadaan kooxood  ayaa  dhacay 6-dii  May 2018 –kii , waxaana lagu ciyaaray magaalada Casablanca  xilli kullankaas uu ku soo dhamaaday 0-0.

Ciyaarta labaad oo ay dhex dhexaadin doonaan garsoorayaasha Soomaaliyeed ayaa ka dhici doonta magaalada Kinshasa ee Congo  waxaana ay soo dhici doontaa Axadda ina soo aadan oo ay taariikhdu ku began tahay 19-ka bishaan.

Sikastaba kooxda Raja ayaa hoggaaminaysa guruubka A, iyadoo wadata siddeed dhibcood, halka Vita Club ay leedahay toddobo dhibcood.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close