Maxey tahay SABABTA ka Dambeeysa in Thibaut Courtois u uu DHEELI Karin Uefa Super Cup ?

( Estonia ) 15 Agoosto 2018.  Thibaut Courtois ayaa seegaya kulanka finalka Uefa Super Cup oo ay Real Madrid la cayaari doonto Atletico Madrid fiidnimada caawa, sida ay warinayaa wararka kasoo baxaya Spain.

Xiddiga heer caalami ee dalka Belgium ayaa dhameystiray ku biirista kooxda Spain Asbuucii hore markii uu £35 milyan oo pound kaga soo dhaqaaqay Chelsea.

Courtois ayaa la safray safka kooxda Real Madrid ee u socdaalay dalka Estonia oo ah halka uu ka dhacay finaalka Super Cup oo ay wajahayaan Atletico waxaana ka filayay inuu dheelo kulankiisa ugu horreeysa naadiga.

26 jirkaan ayaa sido kale ka qeyb noqday tababarka saaxiibadiisa Madrid ay fiidimadii talaadada ku qaateen garoonka Lillekuela Stadium ee magaalada Tallinn.

Laakiin sida ay ku warameyso majalada Cadena COPE Courtois ayaa  cayaari doonin kulanka kooxdiisii hore ee Atletico sababtoo ah looma diiwaan galin UEFA in isagu uu cayaarayo koobkan.

Taas micnaheeda ayaa ah in Keylor Navas uu kusoo bilaabanayo goolka kooxda Madrid, halka Kiko Casilla uu isna keydka noqon doono dheeshan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close