Bakayoko haddii uu xitaa ku biiray AC Milan wuxuu weli Dhibaato ku hayaa Chelsea….(Ogoow Sababta)

(Europe) 15 Agoosto 2018. Tiemoue Bakayoko ayaa hal sano oo Amaah ah ugu biiray kooxda AC Milan ee dalka Talyaaniga balse wuxuu weli culeys ku hayaa kooxda Chelsea oo bixin doonta inta ugu badan Mushaarkiisa inta uu ku sugan yahay Serie A.

23-jirkii hore ee Monaco ayaa loo arkay inuu dheeri ku yahay shaxda Blues kaddib markii ay kooxda ku soo biireen Jorginho iyo Mateo Kovacic.

AC Milan ayaa Jimcaha soo bandhigi doonta saxiixeeda Cusub ee Bakayoko iyadoona shirka jaraa’id si Live ah looga soo deyn doono You Tube.

Fursad labaad uu isku soo muujiyo ayaa waxaa siiyay macallinka Milan ee Gennaro Gattuso, kooxda reer Talyaani ayaana xaqiijisay inay heystaan dooqa inay si joogta ah ula wareegi karaan xiddiga reer France lacago la aaminsan yahay inay gaareyso 31 milyan.

Warar ka imaanaya Talyaaniga ayaa tibaaxaya in Chelsea ay ogolaatay inay bixiso inta badan lacagaha uu mushaar ahaanta u qaato usbuuciiba Bakayoko.

Calciomercato ayaa sheeganaya in Chelsea ay bixin doonto 65,000 usbuuciiba mushaarka Bakayoko halka AC Milan ay bixin doonto inta soo hartay ee 43,000 oo bound.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close