Steven Nzonzi oo gaaray talyaaniga si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Roma

(Roma) 14 Agoosto 2018 Xiddigii Sevilla iyo xulka France ee Steven Nzonzi ayaa ka dagay caasimada talyaaniga si uu ugu biiro kooxda Roma.

Laacibka ayaa isku diyaarinaya bari oo arbaco ah inuu tijaabada caafimaadka u maro kooxdiisa cusub ee Roma.

Wararka ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda Roma ay ku la soo wareegtay 29 jirkaan reer France lacag dhan 30 milyan oo euro.

Steven Nzonzi ayaa qalinka ugu duugaya kooxda Roma heshiis dhan 4-sano, wuxuuna noqonayaa badalka Radja Nainggolan oo u dhaqaaqay Inter Milan suuqa xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close