RASMI: AC.Milan oo dhamaystirtay saxiixa Tiemoue Bakayoko

(Milan) 14 Agoosto 2018 AC.Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa laacibkii kooxda Chelsea iyo xulka France ee Tiemoue Bakayoko.

Laacibka ayaa shalay iyo maantaba maray labo qayb oo kamid ah tijaabada caafimaadka ee kooxda AC.Milan.

Kooxda ayaana goor dhaw si rasmi ah u shaacisay inay amaah hal xiliciyaareed ah ku la wareegtay 23 jirka reer France ee Tiemoue Bakayoko.

Heshiiska waxaa qayb ka ah in AC.Milan ay wada iibsan karto laacibka marka uu dhamaysto heshiiskiisa haatan ee amaahda ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close