Willian oo ka warbixiyay hal sabab uu kaga tagi lahaa kooxda Chelsea suuqan xagaaga si walba ay ku qaadato

(Chelsea) 13 Agoosto 2018. Xidiga kooxda Chelsea ee reer Brazil Willian Borges ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu ka tagi lahaa garoonka Stamford Bridge, hadii uu kusii sugnaan lahaa Antonio Conte.

Willian ayaa go’aansaday inuu iska sii joogo kooxda reer London ee Chelsea, kadib markii si xoogan lala xiriiriyay suuqan xagaaga kooxda Barcelona iyo sidoo kale Real Madrid.

Laacibka reer Brazil ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay wuxuu kaga hadlay inuu Blues ka dhaqaaqi lahaa suuqan xagaaga hadii kooxda uu sii leylin lahaa macalinka reer Talyaani ee Conte.

“Hadii Antonio Conte uu ahaan lahaa xili ciyaareedkan tababaraha Chelsea, ma jirto fursad aan halkan kusii joogi lahaa”.

“Waxaan halkan u joogaa sababtoo ah waxaan doonayaa inaan u ciyaaro Chelsea, waxaan ku baxayaa kaliya hadii ay maamulka doonayaan bixitaankeyga”.

“Waxaan heysanaa ciyaartoy badan ee leh tayada weerarka, sida Eden Hazard iyo Pedro, waxayna doonayaan inay ciyaaraan kubada cagta”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close