“Waxaan rajeynayaa in Ronaldo uu guulo waaweyn la gaari doono Juventus sida uu soo sameeyay sanooyinkii lasoo dhaafay”:.. Buffon

(PSG) 13 Agoosto 2018. Gianluigi Buffon ayaa u rajeeyay kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo inuu guulo waaweyn la gaari doono kooxdiisa cusub ee Juventus.

Buffon ayaa dhawaan ku biiray kooxda reer france ee Paris Saint-Germain, wuxuuna ugu dhaqaaqay heshiiska xurta ah kadib marka uu soo idladay heshiiskiisa kooxda Juventus.

“Waxaan rajeynayaa in Ronaldo uu guulo waaweyn la gaari doono Juventus sida kooxihii uu soo xirtay maaliyadooda”.

“Xaqiiqdii ma u horseedi doono kooxda Juventus murugo, wuxuuna sameyn doonaa waxa uu soo sameeyay sanooyinkii lasoo dhaafay”.

Juventus ayaa kula soo saxiixatay Cristiano Ronaldo qiimo lacageed gaaraya 100 million euros ay kaga soo iibsatay kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close