Sababtii ugu waynayd ee ku qasabtay Cristiano Ronaldo inuu ka tago Manchester United oo la ogaaday!

(Manchester) 13 Agoosto 2018 Cristiano Ronaldo ayaa 6-sano oo cajiib ah ku qaatay kooxda Manchester United kadib markii uu ku biiray 2003 isaga oo ka soo dhaqaaqay Sporting Lisbon.

Ronaldo ayaa isaga tagay Manchester United 2009 markaas oo uu ku biiray kooxda Real Madrid oo haatan uu uga sii tilaabay Juventus.

Manchester Evening News ayaa daaha ka qaaday in si xun loo jajabiyay guriga Cristiano Ronaldo uu ka daganaa magaalada Manchester intii uu socday koobkii adduunka ee 2006 lagu qabtay Jarmalka.

Image result for ronaldo rooney 2006

Ronaldo ayaa ka caraysiiyay taageerayaasha xulka ingiriiska kadib markii uu casaan u qalqaaliyay saaxiibkiis Wayne Rooney kulan ay wada ciyaareen Ingiriiska iyo Portugal.

Laacibka ayaa yimid magaalada Manchester kadib koobkii adduunka, wuxuuna la kulmay wax uusan filayn oo ah in la burburiyay gurigiisa isla markaana loola dhaqmay ixtiraam daro.

Guriga laacibka ayaa laga jajabiyay daaqadaha iyo muraayadaha kale ee ku xirnaa, sababtaas ayaana ku qasabtay Ronaldo inuu qaato go’aankii uu uga tagay Manchester United 2009.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close