RASMI: Lopetegui oo ku dhawaaqay liiska xidigaha Real Madrid kaga qeyb gali doono kulanka Atletico Madrid

(Real Madrid) 13 Agoosto 2018. Macalinka kooxda Real Madrid Julen Lopetegui ayaa ku dhawaaqay liiska xidigaha kaga qeyb gali doono kulanka UEFA Super Cup-ka ay kula ciyaari doonaan Atletico Madrid habeenka Arbacada.

Julen Lopetegui ayaa liiskan ugu yeeray 29 xidig, si ay ula safraan magaalada Tallinn ee caasimada dalka Estonia oo kulankan UEFA Super Cup-ka ay ku wada ciyaari doonaan kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Lopetegui ayaa liiskan ugu yeeray saxiixiisa cusub ee xulka qaranka Belgiam ee Thibaut Courtois, macalinka reer Spain ayaana doonayaana in Real Madrid uu kula guuleysto koobkiisii ugu horeeyay ee rasmi ah.

Hadaba liiska xidigaha Real Madrid uu ku dhawaaqay Julen Lopetegui ayaa waxaa kusoo baxay xidigaha kala ah:

Goolhaayaasha: Keylor Navas, Luca Zidane iyo Thibaut Courtois.

Difaacyada: Dani Carvajal, Jesús Vallejo, Sergio Ramos, Raphaël Varane, Nacho, Marcelo, Álvaro Odriozola, Sergio Reguilón, Javi Sánchez, Sergio López.

Khadka Dhexe: Toni Kroos, Luka Modrić, Marcos Llorente, Marco Asensio, Isco, Dani Ceballos, Federico Valverde.

Weerarka: Karim Benzema, Gareth Bale, Lucas Vázquez, Borja Mayoral, Raúl de Tomás, Vinícius Júnior.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close