PSG oo heshiis cusub ku abaal marinaysa mid kamid ah xiddigaheeda ku soo guulaystay koobka adduunka

(Paris) 13 Agoosto 2018 PSG ayaa ku qancisay mid kamid ah xiddigihii ku soo guulaystay koobka adduunka inuu saxiixo heshiis cusub.

Maamulka PSG iyo wakiilada daafaca reer France ee Presnel Kimpembe waxaa u socday wadahadal maalmihii u danbeeyay.

23 jirkaan ayaa ogolaaday inuu qalinka ugu duugo kooxdiisa PSG heshiis gaaraya ilaa 2023, waxaana loo balan qaaday in kor loo qaadayo mushaarkiisa.

Paris United ayaa baahisay in laacibku uu maanta saxiixay heshiiska cusub, wuxuuna qaadanayaa sanadkii 7.2 milyan oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close