“Mustaqbalka Sterling waxaad weydiisaan agaasimaha ciyaaraha, aniga waxaan ahay tababare oo kaliya”… Guardiola

(Manchester) 13 Agoosto 2018. Pep Guardiola oo kadib kulankii ay guusha ka gaareen kooxda Arsenal wax laga weydiiyay mustqbalka Raheem Sterling ayaa wuxuu ka bixiyay jawaab cajiib ah.

Macalinka reer Spain ayaa tilmaamay in kooxda Manchester City uu ka yahay kaliya macalin isla markaana uu ka ahayn agaasimaha ciyaaraha ama maamulka sare ee kooxda.

“Anigu ma ihi xubin ka mid ah maamulka sare ee kooxda ama agaasimaha ciyaaraha ee kooxda, aniga waxaan halkan u imid si aan u leyliyo Manchester City”.

“Waxaan qeyb weyn ka qaadan doonaa inaan sameeyo dareen aad u wanaagsan ee kooxda dhexdeeda ah, si aan guul u gaarno kulamada aan ciyaareeno’.

“Waan ku faraxsanahay Raheem Sterling inuu halkan lagula sugan yahay, waxaana dooneynaa inuu nala sii joogo, waxan sameyn doonaa waxkasta uu ku dareemi doono sida aan dooneyno adeegiisa isla markaana aan ugu kalsoonahay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close