Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu oo aan meesha ka saarin inay sameyn karaan saxiixa Pogba

(Barcelona) 13 Agoosto 2018. Madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa diiday inuu ka hadlo wararka la xiriirinaya Paul Pogba kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ee xagaaga.

Waxaa soo xirmay suuqa kala iibsiga xagaaga ee dalka England tan iyo maalintii khamiista ee lasoo dhaafay laakiin waxaa wali furan dhamaan suuqyada kale dalalka ee qaarada yurub uu qeybta ka yahay dalka Spain, wuxuuna furnaan doonaa ilaa iyo dhamaadka bishan agoosto.

Barcelona ayaa wali heysata fursada ay kula soo saxiixan karto khadka dhexe xulka qaranka France ee Paul Pogba.

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska Mundo Deportivo kadib marka ay ku guuleesteen koobka Spanish Super Cup, wuxuu kaga hadlay arimaha Pogba.

“Arimaha Pogba? Kama hadlayo magacyo, waxaan ixtiraamayaa dhamaan kooxaha kale”.

“Wali waxaa suuqa ka harsan 20 maalmood, waxaan arki doonaa xidigo kooxda ka dhaqaaqi doona iyo kuwo imaan kara, waxaan hada diirada saari doonaa horyaalka”.

“Waxaa wanaagsanaan lahayd in su’aashan la weydiiyo Éric Abidal iyo Pep Segura, weli waxaa jira maalmo si ay u sameeyaan heshiisyo hadii loo baahdo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close