Kooxda Usbuuca ee Premier League oo la soo saaray…. (Chelsea oo qabsatay Qeybta dambe)+SAWIRRO

(England) 13 Agoosto 2018. Waxaa la ciyaaray kulamadii ugu horreeyay ee Premier League xilli ciyaareedka Cusub iyadoo ay guul wada gaareen kooxaha waa wayn marka laga reebo Arsenal.

Warsidaha Goal.com ayaa sida caadada ahaydba soo saaray kooxda Usbuuca.

Chelsea  ayaa kooxda Usbuuca ka qabsatay qeybta dambe oo afarta daafaca waxay ku leedahay 3-laacib, David Luiz, Cesar Azpilicueta iyo Antonio Rudiger.

Man United oo kulankii ugu horreeyay horyaalka guul ka gaartay Leicester City ayaa shaxda ku leh Luke Shaw oo qura.

Liverpool oo ku rafatay West Ham ayaa iyana Sadio Mane oo qura ku leh shaxda halka Manchester City oo hilfaha u laabtay Arsenal uu shaxda ugu jiro Raheem Sterling.

EEG kooxda Usbuuca ee Premier League:

GOOLHAYE | Alex McCarthy (Southampton)

DAMBEEDKA-MIDIG | Cesar Azpilicueta (Chelsea)

DIFAAC DHEXE | Antonio Rudiger (Chelsea)

DIFAAC DHEXE | David Luiz (Chelsea)

DAMBEEDKA-BIDIX | Luke Shaw (Manchester United)

KHADKA DHEXE | Ryan Fraser (Bournemouth)

KHADKA DHEXE | Ruben Neves (Wolves)

KHADKA DHEXE | Roberto Pereyra (Watford)

WEERAR | Raheem Sterling (Manchester City)

WEERAR | Sadio Mane (Liverpool)

WEERAR | Richarlison (Everton)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close