Wakiilka Courtois oo ka jawaab celiyay wararka ku aadanaa inuu u diiday tababarka Chelsea si loogu ogolaado Real Madrid

(Real Madrid) 12 Agoosto 2018. Wakiilka Thibaut Courtois ee Christophe Henrotay ayaa wuxuu ka hadlay wararka ku aadan in xidiga uu dalaalka ka yahay uu si weyn kaga soo hor jeestay, kooxdiisii hore Chelsea si uu ugu dhaqaaqay Real Madrid.

Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa Thibaut Courtois inta lagu jiro suuqn xagaaga, kadib markii ay kala soo saxiixatay dhigeeda dalka England ee Chelsea.

“Xiliga uusan Courtois aadin tababarka kooxda Chelsea, heshiiska Real Madrid ayaa ahaa mid qarka u saaran in lasoo gaba gabeeyo”.

“Kadib marka uu Thibaut Courtois ku biiray kooxda Real Madrid wuxuu ka bixiyay raali galin, dhamaan dhinacyadu waxa ay noqdeen kuwo ku qanacsan”.

“Haddii qoyskiisa uu joogi lahaa London wuxuu aadi lahaa tababarka kooxda Chelsea, kadib Koobka Aduunka 2018 sida caadiga ah”.

“Laakiin qof walba sidoo kale waa inay ogaataa in Thibaut Courtois uu dareemayay cadaadis xoogan, sababa la xiriira dalabka kaga yimid Real Madrid, wuxuuna doonayay inuu u dhaqaaqay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close