Raheem Sterling oo SHARAXAY wixii uu ula jeeday Dabaal degii uu ku sameeyay Arsenal…+SAWIRRO

(London) 12 Agoosto 2018. Raheem Sterling ayaa Sharaxay wixii uu ula jeeday Dabaal degii uu sameeyay kaddib markii uu goolka ugu daah furay Manchester City ciyaartii ay dhawaan 2-0 uga adkaadeen Arsenal kulankoodii ugu horreeyay ee Premier League.
Dhaliyaha reer England ayaa dhagta gacanta saartay sida qof aan maqlin wixii la yiri markii uu u dabaal degayay goolkii uu ka dhaliyay Gunners.
Mar la waydiiyay wixii uu ula jeeday ayuu ku sheegay inuu ugu jawaabayay kuwii dhaleeceeyay intii uu socday koobka Adduunka.
Sterling ayaa dhacdadii ugu waynayd kubbada cagta adduunka lagu dhaleeceeyay inuusan ku fiicneyn sida kubbada loo dhammeystiro oo goolka loo dhaliyo.
Mar uu Sterling u waramayay Sky Sports isagoo sharaxaya Dabaal degiisa ayuu yiri:
“Waxaa jiray hadalo badan oo igu aadan aniga sidaa darteed waxaan halkaa u dhigay Dabaal deg yar. “.
Gool FM.