Muxuu ka yiri Pep Guardiola guushii ay maanta kooxdiisa Manchester City ka gaartay dhigeeda Arsenal?

(Manchester) 12 Agoosto 2018. Macalinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa wuxuu ka warbixiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay kaga gaareen Arsenal kulankooda ugu horeeyay xilli ciyaareedkan ee horyaalka Premier League.

Manchester City ayaa olalaheeda ay ku difaacaneyso horyaalka Premier League waxay kulankeeda ugu horeeyay guul kaga gaartay dhigeeda Arsenal 2-0.

Pep Guardiola ayaa kulanka kadib la kala hadlay saxaafada in kooxdiisa ay wali uu baahan tahay inay sameyso hormar, inkastoo ay guul ka gaareen Gunners.

“Nasiib ayaan leeyahay maadaama aan leylinayo kooxda Manchester City, waxay I siiyeen koox isku-dhaf ee fantastik ah oo aanan marna wax cabasho ah ka muujin Karin”.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan guul gaarno kulanka maanta, laakiin wali ma aanan fiicneen, waxaan u baahanahay inaan horumarino waxyaabo qaar”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close