Keisuke Honda oo noqday tababare laakiin ma qaadan doono wax mushaar ah!

(Cambodia) 12 Agoosto 2018 Halyeeyga reer Japan ee Keisuke Honda ayaa qaaday tilaab lama filaan ah kadib markii uu noqday tababare.

Laacibka ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay u ciyaarida xulkiisa Japan kadib koobkii adduunka ee lagu qabtay dalka Ruushka.

Image result for keisuke honda

Maalmo ka hor ayuu ku biiray kooxda ka dhisan dalka Australia ee Melbourne Victory, laakiin saaka ayaa la shaaciyay inuu noqonayo tababaraha xulka qaranka Cambodia.

Madaxwaynaha xiriirka kubadda cagta Gambodia ayaa sheegay in Keisuke Honda uusan qaadan doonin wax mushaar ah, xiriirka ayaana qaba lacagaha ku baxaya noloshiisa, daganaashihiisa dalka Cambodia iyo tikidhadiisa safarka.

Sida muuqata laacibka ayaa isku wadi doona u ciyaarida kooxdiisa cusub ee Melbourne Victory iyo tababarida xulka Cambodia.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close