Ferdinand oo ku eedeeyay maamulka Man United inaysan si wanaagsan u taageerin suuqan xagaaga tababare Mourinho

(Manchester) 12 Agoosto 2018. Halyayga kooxda Manchester United Rio Ferdinand ayaan qarinin in maamulka Red Devils aysan si weyn kaga taageerin dhanka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xagaaga, macalinka reer Portugal ee José Mourinho.

José Mourinho ayaa doonayay suuqan xagaaga in maamulka ay si weyn kaga caawiyaan dhanka difaaca, wuxuuna si weyn bar-tilmaameed kaga dhiganayay difaaca kooxda Tottenham Hotspur Toby Alderweireld.

Rio Ferdinand ayaa sheegay “Waxaan doonayay in la sameeyo saxiixa difaaca kooxda Tottenham Hotspur Toby Alderweireld, si uu u yimaado Manchester United suuqan xagaaga”.

“Marka uu difaaca  Belgiam u ciyaarayo si joogta ah, waxaan u maleenayaa inuu ka mid yahay difaacyada ugu wanaagsan horyaalka Premier League, waa laacib aad u wanaagsan”.

“Wuxuu markale ku muujiyay awoodiisa koobka aduunka, kadib markii uusan si joogta ugu ciyaarin Tottenham Hotspur xili ciyaareedkii lasoo dhaafay”.

Waxaa xusid mudan in Toby Alderweireld heshiiskiisa kooxda Tottenham Hotspur lagu kansali karo aduun dhan kaliya £ 25 million, waxaana suuragal ah in saxiixiisa la sameeyo suuqa soo aadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close