DAAWO: Cristinao Ronaldo oo Furtay Koontadiisa GOOLASHA Juventus+SAWIRRO

( Turin ) 12 Agoosto 2018. Cristiano Ronaldo ayay ku qaadatay siddeed daqiiqo inuu dhaliyo goolka kowaad ee Juventus isagoo xiran funaada midabka cadaanka iyo madowgaa.

Xiddiga dalka Portugul ayaa kooxda ka dhisan horyaalka Talyaaniga kaga soo biiray Real Madrid aduun dhan £88 milyan oo gini.

Waxuu ahaa mid la siiyay waqti nasiino ah markii uu dib uga soo laabtay koobka adduunka oo xulkiisa lagu reebay wareega 16-ka.

Laakiin maanta ayuu kasoo muuqaday dheesha ugu horreeysa ee kooxda waan cayaar saaxiibtinimo oo ay la qaadanayaan naadiga Labaad ee Juventus B taasoo ka dhaceysa Villar Perosa.

Halka kulanka uu ka dhacayo waa meel u dhaw guriga milkiilaha kooxda Bianceneri Agnelli oo lagu marti galinayo kulankan saaxiibtinimo oo sanad kastaa la cayaaro tan iyo sanadkii 1955.

Kaliya shan kun oo taageerayaala ayaa daawaneysa dheeshaas uu markii ugu horreeysay kasoo muuqday Ronaldo goobta ay ka dhaceyso kulanka ayaana aad loo adkeeyay amaanka.

Daawo Goolka CR 7

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close