Real Madrid oo u sheegtay Juventus in Marcelo ….!!

(Madrid) 11 Agoosto 2018 Kadib saxiixii Cristiano Ronaldo ee suuqa xaggaagan ayeey Juventus isku dayday saxiixa daafaca Real Madrid ee Marcelo.

TuttoSport ayaa daaha ka qaaday in Juventus ay dadaal xoogan ugu jirto dhamaystirka saxiixa daafaca reer Brazil ee Marcelo kaas oo doonaya inuu la midoobo Ronaldo.

Image result for Marcelo Juventus

Laakiin Real Madrid ayaa u war galisay Juventus in Marcelo uusan iib ahayn lacag walba oo ay ku soo dalbato maadaama aysan doonayn in la kala jabiyo kooxda.

Florentino Perez ayaa ku qancinaya Modric inuu sii joogo kooxda kadib markii uu soo hordhigay mushaar lamid ah kan uu qaato Ramos, sidoo kale wuxuu diiday in Marcelo uu ka tago kooxda.

Perez ayaa dhabar jab u arka bixitaanka Modric iyo Marcelo kadib bixitaankii Zidane iyo Cristiano Ronaldo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close