RASMI: Difaaca kooxda Barcelona Gerard Pique oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah

(Spain) 11 Agoosto 2018. Difaaca kooxda Barcelona Gerard Pique ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ee xulka qarankiisa Spain.

Gerard Pique ayaa kasoo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka Spanish Super Cup, wuxuuna si rasmi ah ku shaaciyay inuu gabi ahaanba iska casilay u ciyaarista xulka Spain.

“Waxaan la sheekeestay Luis Enrique isbuuc ama labo isbuuc ka hor, waxaana u sheegay inaan go’aansaday inaan iska casilo ciyaaraha caalamiga ah, waana go’aan aan in badan ka fikiray”.

“Waxaan ku soo noolaa marxalad aad u qurux badan e xulka qaranka Spain, maadaama ay ka buuxaan guulo iyo koobab”.

Pique ayaa sheegay in uu macsalaameeyay gabi ahaanba xulka qaranka Spain kadib marka uu kaga qeyb galay koobka aduunka 2018 ee dalka Russia.

Gerard Pique ayaa sheegay in ujeedkiisa ugu weyn ee haatan uu yahay in uu diirada saaro kooxdiisa Barcelona, si uu ugula guuleysto koobab fara badan.

Pique ayaa soo matalay maaliyada xulka qaranka Spain 103 kulan, wuxuu u soo dhaliyay 5 gool, wuxuuna sidoo kale baasay 3 gool, wuxuu qaatay 14 kaarka jaalaha ama digniinta, 1 jeer ee ah kaarka roosaha.

Guulihii ugu waaweynaa uu xulka lasoo gaaray waxaa ka mid ah koobkii aduunka 2010-kii ka dhacay dalka South Africa, iyo euro 2012.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close