Ramón Calderón oo ka hadlay kan wanaagsan labada xidig ee kooxda PSG Mbappé iyo Neymar

(PSG) 11 Agoosto 2018Ramón Calderón oo ka mid ah madaxweenayaasha soo martay kooxda Real Madrid ayaa si aan gambad lahayn u sheegay in Kylian Mbappé uu ka wanaagsan yahay Neymar.

Mbappé ayaa qaab ciyaareed wanaagsan kasoo sameeyay kulamadii uu kasoo muuqday koobka aduunka 2018, wuxuuna sabab u ahaa in xulka France uu ku guuleysto koobka, kadib mudo 20 sano, tan iyo sanadii 1998-dii.

“Mbappé wuxuu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, wuxuu ka fiicnaa xitaa saaxiibkiis PSG Neymar Jr”.

“Wuxuu leeyahay xawaare aad u sareeya, iyo awood ciyaareed cajiib ah, sidaas darteed wuxuu ku qaab ciyaareed yahay weeraryahankii hore Brazil ee Ronaldo”.

“Loolanka ka dhexeeya Kylian Mbappé iyo Neymar waxay u wanaagsan tahay kooxda Paris St Germain”.

“Neymar waa ciyaaryahan aad u wanaagsan, lehna awood aad u sareysa, lakiin waa inuu bedelaa hab dhaqankiisa marka uu ku gudi jiro gudaha garoonka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close