DAAWO: Andres Iniesta oo dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee horyaalka Japan (Waa gool cajiib ah)

(Tokyo) 11 Agoosto 2018 Andres Iniesta ayaa maanta dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee horyaalka Japan kulan haatan gabo gabo ku dhaw.

Vissel Kobe ayaa 2-1 haatan ku hogaaminaysa ciyaarta kulan ay la ciyaarayso kooxda Jubilo Iwata, Andres Iniesta ayaana u dhaliyay goolka hore.

Kabtankii hore ee Barcelona ayaa goolka uga mahadcelinaya xiddigii hore ee Arsenal ee Lukas Podolski kaas oo siiyay baas cajiib ah.

Andres Iniesta ayaana si xirfadaysan u qalday daafaca kooxda Jubilo Iwata, wuxuuna ku sii daray goolhayaha isaga oo kadib kubadda dhex dhigay shabaqa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close