Courtois oo ka raali galiyay taageerayaasha Real Madrid aflagaado uu u gaystay!

(Madrid) 11 Agoosto 2018 Saxiixa cusub ee Real Madrid ayaa ka raali galiyay taageerayaasha kooxdiisa aflagaado uu xili hore u gaystay.

Thibaut Courtois ayaa aflagaadeeyay kooxda Real Madrid waqtigiisii Atletico Madrid gaar ahaan 2013 markaas oo Copa del Rey uu la qaaday kooxda tababare Simeone.

Goolhayaha reer Belgium ayaa la qaaday taageerayaasha Atletico Madrid aflagaado ay u gaysanayeen waqtigaas cadawgooda Real Madrid.

Thibaut Courtois oo ka raali galinayay dhacdadaas taageerayaasha Real Madrid ayaa yiri:

“Aad ayaan u yaraa waqtigaas, qalad ayaan sameeyay, waana idinka raali galinayaa, waa ay arki doonaan taageerayaasha Real Madrid inaan wax walba u huri doono”.

“Wax walba oo karaankeyga ah ayaan u huri doonaa si aan uga caawiyo in kooxdu ay guulaysato”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close